Mareykanka ayaa dhowr diyaaradood oo dagaal iyo ciidamo u wareejinaya Bariga Yurub, oo ay ku jiraan 200 oo Marines ah oo ka qeyb qaatay dhoolatuska qaboobaha ee Yurub, una wareejinaya Lithuania.
“Ciidamada Mareykanka waxa ay u rarayaan diyaarado dagaal iyo askar badan bariga Yurub, halka uu Ruushka wado dagaalka ka dhanka ah Ukraine,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka John Kirby habeenimadii Talaadada.
Marka laga soo tago 200 oo askari oo Norway ku sugnaa intii lagu jiray dhoolatuska Qabow horaantii bishii March, toban diyaaradood oo F/A-18 Hornet ah iyo “wax yar” C-130 Hercules ayaa sidoo kale loo wareejin doonaa bariga Yurub, ayuu yiri Kirby.
Lama oga halka la geyn doono, balse sida laga soo xigtay Pentagon-ka, waxaa la rari doonaa dhawaan.
Wararka kale ee Maanta
AD