Home News in English Maraykanka oo ka codsanaya Turkiga in uu gantaalada S-400 ee uu Ruushku...

Maraykanka oo ka codsanaya Turkiga in uu gantaalada S-400 ee uu Ruushku sameeyo la geeyo Ukraine

0

xiisad diblomaasiyadeed ayaa ka dhalan karta Dalalka Maraykanka iyo Turkiga hadii Turkiga uu diido Qorshe uu soo jeediyay Mareykanka.

Maamulka Biden ayaa hadda waydiisanaya xulafada NATO, kuwaas oo isticmaalay qalabka iyo nidaamyada Ruushku sameeyay, oo ay ku jiraan S-300 iyo S-400, inay tixgeliyaan una wareejinta Ukraine si ay iskaga difaacaan Ruushka.

Xaaladdaas, ayaa keeni karta Khilaaf Xoogan oo labada Dal Dhexmara.

Markii Turkigu uu go’aansaday afar sano ka hor inuu iibsado gantaalaha Ruushka waxaa jirtay Khilaaf dhexmaray Labada Dal ee Mareykanka iyo Turkiga.

Ka dib markii gantaalkii ugu horreeyay ee Ruushku uu yimid Turkiga bishii Luulyo 2019, Mareykanka wuxuu isla markiiba cunaqabateyn ku soo rogay Turkiga. Waxaa ka mid ah in taliska Erdogan loo diiday inuu iibsado diyaarada casriga ah ee F-35, iyadoo laga cabsi qabo in sirta sare ee tignoolajiyada gaarto Ruushka.

gantaallada Ruushka ayaa hada markale Dood ka abuuraya Labada dhinac Iyadoo madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky uu isku dayayo inuu ku qanciyo NATO inay ku soo rogaan aag duulimaadka ka caaggan Ukraine, Maraykanka ayaa isku dayaya inuu helo siyaabo kale oo uu ugu qalabeeyo difaaca Ukraine hub waxtar leh oo joojin kara horumarka Ruushka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here