In ka badan 400 oo muhaajiriin ah ayaa ugu dambeyntii ka degay Malta kadib markii ay saarnaayeen afar doomood oo dalxiis oo kala duwan ku dhawaad 40 maalmood.
Doomaha ayaa lagu qasbay joogitaanka biyaha caalamiga ah markii ay u diideen masuuliyiinta Malta si ay u galaan wadankaasi.
Muhaajiriinta ayaa hada laga soo qaaday Badda inta lagu gudajiray hawl galo badan oo samatabbixin ah.
Dowlada Malta ayaa sababta ugu weyn ay u diiday Qaxootiga ku sheegtay Xaalada Corona ee Caalamka ka jirta taasi oo sabab u noqon karta in Dadkaasi wadanka soo galiyaan.
Masuuliyiinta Malta ayaa intaasi ku daray in kala qeybsanaanta Midowga Yurub ay sidoo kale Sabab u aheyd Xaalada cakiran ee heesatay Qaxootiga.
Somaliska Malta
Wararka kale ee Maanta
AD