Home News in English Magdalena Andersson ” Waa La Tarxiili doonaa Ajaanibta Dalka Ku Sugan ee...

Magdalena Andersson ” Waa La Tarxiili doonaa Ajaanibta Dalka Ku Sugan ee Dambiyada Geesta “

0
Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in dad badan oo ajaanib ah oo dambiyada ka gala Sweden la tarxiili doono.

Wareysi ay siisay wargeyska Dagens Nyheter ayay ku tiri, “Waxaan arkaa in dad badan oo dambi ka gaysta Sweden la tarxiilo. Waxaan eryi doonaa dambiilayaal badan.”

Waxay intaas ku dartay in ay u badan tahay in lagu aamino nidaamka sharciga ee Sweden.

Wasiirka socdaalka Anders Ygeman ayaa loo xilsaaray inuu baarlamaanka Iswiidhan u gudbiyo soo jeedin ah in la dhimo xadka ugu badan ee dadka dib loogu celin karo marka lagu xukumo xukunka kama dambaysta ah, lagana dhigo xabsi laba iyo toban bilood ah ugu yaraan lix bilood.

Andersson ayaa rajaynaysa in taageero ballaadhan loo heli doono soo jeedintan.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa intii uu wareysiga socday ku nuuxnuuxsaday in ay si dhab ah uga shaqeyneyso la dagaalanka dambiyada Sweden iyo xoojinta ciqaabta ka dhanka ah dambiilayaasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here