Home News in English Magdalena Andersson: Sweden iyo Finland bari ayay Codsanayaan Xubinimada NATO

Magdalena Andersson: Sweden iyo Finland bari ayay Codsanayaan Xubinimada NATO

0
Photo/Anders Wiklund / TT

Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa ku dhawaaqday in Sweden iyo Finland ay maalinta berito ah codsan doonaan ka mid noqoshada NATO.

hadalkan ayay ku sheegtay shir jaraa’id oo ay magaalada Stockholm kula yeeshatay madaxweynaha Finland Sauli Niinistö oo booqasho ku jooga Sweden.

“Annaga, Finland waxay leedahay Xiriir gaar ah,” ayay tiri Andersson. Waxaan wadaagnaa hiddaha iyo dhaqanka. Bilihii u dambeeyayna waxa caddaatay in nabadgelyadeennu ay si aan kala go’ lahayn ugu xidhan tahay.”

Waxayna hadalkeeda sii raacisay, “Waxa ugu wanagsan ee amniga Iswiidhan waa in codsiga NATO lala gudbiyo Finland.”

Andersson waxay tixgalisay in xubinnimada NATO ay sidoo kale furto iskaashiga kordhaya ee ka dhexeeya dalalka Scandinavian-ka.

“Berrito waxaan codsiga u gudbin doonnaa NATO si wadajir ah,” ayay raacisay.

Andersson iyo Niinisto ayaa Khamiista la kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Joe Biden magaalada Washington.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Andersson waxay tilmaamtay in Sweden ay rajeyneyso inay iskaashi la sameyso Turkiga gudaha NATO.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here