Home News in English Magdalena Andersson oo iscasilaadeeda u gudbisay Afayeenka Barlamaanka Sweden

Magdalena Andersson oo iscasilaadeeda u gudbisay Afayeenka Barlamaanka Sweden

0
Foto: Henrik Montgomery / TT

Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson ayaa gudbisay istiqaaladeeda, taasoo uu ansixiyay afhayeenka baarlamaanka Andreas Norlin. Andersson ayaa ku dhawaaqay iscasilaada ka dib “inay la shaqeenayaan M hadii ay doonayaan.

Andersson ma faahfaahin nooca wada shaqaynta suurtagalka ah ee muxaafidka. Waxay sheegtay inay tahay wax ay tahay in lagala hadlo dhinacyada kale, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in siyaasadda Sweden ay u baahan tahay furfurnaan dheeraad ah.

Andersson ayaa tidhi “Diyaar ayaan u ahay in aan wada shaqayn la yeesho dhammaan xisbiyada marka laga reebo SD, waxa aan sheegay doorashada ka hor, waxaanan leeyahay ka dib. Laakiin Ulf Kristersson ayaa doortay inuu la shaqeeyo SD.

Markii la weydiiyay haddii ay ka fiirsan doonto ka qayb qaadashada dawladda uu madax ka yahay Ulf  Andersson waxay ku jawaabtay: “Waxay noqon lahayd wax aad u yaab leh.”

Waxay xustay in xisbiga Socialdemokraterna uu yahay xisbiga ugu weyn Sweden iyo waqooyiga Yurub, taasina aysan ahayn habka ay u shaqeeyaan wadamada kale.

Andersson ayaa ku dhawaaqday in ay horeba xiriiro kala duwan ula samaysay Kristersson si ay u hubiso in kala guurka uu u noqdo mid nidaamsan intii suurtagal ah.

Andershon ayaa la waydiiyay waxa ay uga jeedo digniinteeda khatarta ah ee rabshadaha iyo nacaybka sii kordhaya. Waxay ku jawaabtay, “Dabcan, waxaa jira mas’uuliyad weyn, gaar ahaan Moderatka, K iyo liberals, in aan qiil loo helin ama aan la daboolin nacaybka iyo cunsuriyadda ka dhici karta nolol maalmeedka ee ku wajahan dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasadda. Sida iska cad, iskaashi rasmi ah oo lala yeesho SD, waxay noqon doontaa mas’uuliyad weyn inaanan sharciyeynin arrimahan.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here