Home News in English Försäkringskassan oo ka dalbatay Haweeney ku nool Norrköping inay soo Celiso 400,000...

Försäkringskassan oo ka dalbatay Haweeney ku nool Norrköping inay soo Celiso 400,000 kr

0

Försäkringskassan ayaa haweeney ku nool Norrköping ka dalbatay in ay u soo celiso lacag dhan 400,000 oo karoon si ay uga soo celiso kaalmada guriyeynta oo ay qaadatay 10 sano.

Haweeneydan ayaa codsiga kaalmada guriyeynta ku sheegtay in gabdhaheeda ay si buuxda ula nooleed balse xogta laga helay Sanduuqa Ceymiska ayaa lagu xaqiijiyay in gabdhuhu ay la noolaayeen aabbaha tan iyo markii ay kala tageen lamaanaha. Sida laga soo xigtay Radio Sweden maanta.

Ka dib markii la hubiyay xogta, Sanduuqa Caymiska ayaa go’aamiyay in lacagta haweeneyda ay khaldan tahay oo ay hadda bixiso lacag dhan 400,000 oo karoon.

Haweeneyda ayaa da’deeda lagu sheegay kontameeyo waxana hada ay ku qasbantahay celinta lacagtaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here