Home Wararka Maanta Magaalada Göteborg oo laga furay Tunnel Cusub

Magaalada Göteborg oo laga furay Tunnel Cusub

0
Foto: Paul Björkman/Trafikverket

Maanta oo Arbaco ah waxaa magaalada Göteborg laga furay tunel cusub. Waxaa loogu yeeraa Tunnel-ka Marieholm.

Tunnelka wuxuu maraa wabiga Göta. Wuxuuna maraa inta udhaxeysa jasiiradda Hisingen iyo bartamaha magaalada Göteborg. Tunnelka ayaa dhererkiisu yahay 500 mitir.

Gawaarida ayaa isticmaali kara tunnelka. Qiyaastii 50,000 kun oo baabuur ayaa maalin kasta isticmaali kara.

Waxay qaadatay lix sano dhismaha tunnelka. Kuwii ka shaqeeyay dhismaha tuneelka ayaa sheegaya in ay ahayd shaqo dhib badan.

Tunnelku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood. Shaqaalaha ayaa qaybo ka mid ah biyaha galiyay. Kadibna qaybo ayay isugu geeyeen biyaha hoostooda.

Dhismaha tuneelka ayaa ku kacay dhowr bilyan oo karoon.

Somaliska Götenborg

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here