Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ruushka oo bilaabay Qorshe Cusub isagoo la hadlaya dhigiisa Erdogan

Madaxweynaha Ruushka oo bilaabay Qorshe Cusub isagoo la hadlaya dhigiisa Erdogan

0
khail Metzel, Sputnik, Kremlin Pool Photo/AP) TT

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu maanta oo isniin ah uu telefoon kula hadli doono dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mar Axaddii shalay ay waydiisey warbaahinta Ruushku xamxamta ku saabsan inay wadahadallo khuseeya Ukraine ay dhici doonaan iyo in kale, sarkaalku waxa uu sheegay in wadahadalku uu ku jirey “qorshayaasha.”

Madaxwaynaha Turkiga ayaa isna ku dhawaaqay inuu wadahadallo khadka ah la yeelanayo Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, iyadoo uu weli socdo dagaalka u dhexeeya Moscow iyo Kiev.

“Waxaan wadahadal telefoonka kula yeelan doonaa Ruushka iyo Ukraine Isniinta. Waxaana sii wadi doonnaa ku dhiirigelinta labada dhinac si ay u sii wadaan wadahadallada iyo diblomaasiyadda,” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga ayaa mowqif dhexdhexaad ah ka qaatay colaaddii Ukraine ka curatay dabayaaqadii bishii Febraayo.

Ankara ayaa sidoo kale sii wadatay xiriirka labada dal ee Ukraine iyo Ruushka, iyadoo diiddey inay ku biirto cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Moscow oo lagu cadaadinayey waxayna isku dayday inay qaadato doorka dhexdhexaadiyaha ee khilaafka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here