Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo xaaladda Qasa uga hadlay si aan looga baran kana...

Madaxweynaha Mareykanka oo xaaladda Qasa uga hadlay si aan looga baran kana Horyimid Israail

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay hoggaanka Israa’iil, isaga oo sheegay in ay lumineyso taageerada caalamiga ah

Dhaleecayntiisa ayuu sal uga dhigay Biden duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaan Qasa.

Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa imaanaya xilli dalkiisu uu ka mid noqday dalalka diiday qaraarka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey uu u codeeyay ee lagu dalbanayo in Qasa laga sameeyo xabad-joojin deg deg ah.

Dhanka kale

Basim Naciim,oo ka mid ah madaxda sare ee Xamaas, oo la hadlay BBC-da, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka ay meel mariyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo lagu dalbanayo xabad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa.

Mas’uulkaan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in tillaabadaan ay caddeyn u tahay sida in badan oo bulshada caalamka ka mid ah ay u rabto joojinta dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta.

“Arrintaan waxay caddaynaysaa in dunidu ay rabto oo ay taageerto joojinta rabshadaha” Sababtoo ah waa kuwo ka dhan ah Falastiiniyiinta” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in Mareykanka diimadiisu ay muujineyso sida uu ugu lug leeyahay dambiyada ka dhacaya Qasa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here