Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la dhigay Isbitaalka (Aqalka Cad oo war...

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la dhigay Isbitaalka (Aqalka Cad oo war kasoo saaray)

0
President Donald Trump speaks from the Oval Office of the White House as he gives a prime-time address about border security Tuesday, Jan. 8, 2018, in Washington. (Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa loo qaaday Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed si loogu sameeyo baaritaano waxaana uu halkaa ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo la talin ka heli doona dhakhaatiirta, Aqalka Cad ayaa sidaasi wariyaasha u sheegay.

Madaxweynaha, oo laga helay cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’ habeenimadii Khamiista, ayaa lagu wadaa in loo duuliyo isbitaalka dhismaha ee Bethesda, Maryland – oo ka baxsan Washington, DC – galabnimadii Jimcaha, halkaas oo qol gaar ah loo diyaariyey.

“Digtooni badan awgeed, iyo talo soo jeedinta dhakhtarkiisa iyo khabiiro caafimaad, madaxweynaha wuxuu ku shaqeyn doonaa xafiisyada madaxtooyada ee Walter Reed maalmaha soo socda,”

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Kayleigh McEnany ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Dhaqaatiirta ayaa ku booriyay talaabadaasi si Trump uu u helo daryeel deg deg ah hadii loo baahdo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo aan magaciisa la shaacin.

Ku dhawaaqista layaabka leh ayaa timid wax yar uun ka dib markii dhakhtarkiisa, Taliyaha Ciidamada Badda ee Maraykanka Sean P. Conley, uu ku dhawaaqay in Trump lagu daweeyey dawada antibody ah iyo noocyo dheeri ah oo ay ka mid yihiin fitamiin D iyo zinc. Trump “wali wuu daalan yahay laakiin niyad wanaagsan ayuu qabaa ,” ayuu yiri Conley.

Marwada Koowaad Melania Trump, oo iyaduna laga helay fayraska, waxaa soo food saaray madax xanuun iyo “qufac fudud.” 

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here