Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay Weerarkii labaad ee Dalkiisa ka dhacay

Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay Weerarkii labaad ee Dalkiisa ka dhacay

0

Saddex qof ayaa ku dhimatay weerar mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Nice, weerarkaas oo uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku sheegay “weerar argagixiso Islaamiyiin ah”.

Wuxuu sheegay in Faransiisku uusan isdhiibi doonin qiimahiisa asaasiga ah kadib booqashada Kaniisada Basilica ee magaalada koonfurta ku taal. 4,000 oo askari oo dheeri ah la geeyay si ay u ilaaliyaan kaniisadaha iyo iskuulada.

Magaalada Nice, hal dhibbane oo da ‘ah ayaa “sida muuqata madaxa laga jaray”, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. Haweeney kale iyo nin ayaa sidoo kale dhintay.

Nin laga shakisan yahay ayaa la toogtay isagoo la xiray kadib dhaawac soo gaaray.

Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baaritaan ku saabsan weerarka waxaana France ay sare u qaaday heeganka amniga qaranka heerkii ugu sareeyay.

Ilo wareedyo booliis ah ayaa eedeysanaha ku magacaabay Brahim Aioussaoi, oo ah 21-jir reer Tunisia ah oo doomo ku yimid jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa bishii Sebtember. Waxaa la galiyay karantiil coronavirus halkaa ka hor inta aan la sii deyn oo loo sheegay inuu ka tago Talyaaniga. Wuxuu yimid Faransiiska horaantii bishaan.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa ka hadlay “Islamo-fascism” wuxuuna sheegay in tuhmanaha uu “si aan dhammaad lahayn ugu celceliyay ‘Allahu Akbar’ (Ilaahay baa weyn)”.

Laba weerar oo kale ayaa dhacay Khamiistii, mid ka dhacay Faransiiska iyo mid ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here