Home News in English Macron: Shuruudaha xabbad joojinta ee Putin waa wax aan la aqbali karin

Macron: Shuruudaha xabbad joojinta ee Putin waa wax aan la aqbali karin

0

Shuruudaha uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku xiray xabad joojinta Ukraine waa wax aan la aqbali karin, ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

“Waa inaan qiraa in shuruudaha Putin uu maanta miiska saaray aan la aqbali karin,” Macron ayaa yiri sidaasi maanta.

Horaanta Hadalka Macron, isaga iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa khadka taleefanka kula hadlay Putin.

“Su’aashu waxay tahay in Putin uu diyaar u yahay inuu si daacad ah wax uga qabto hadii Sharuudaha uu doonayo la fuliyo” Macron ayaa intaasi ku daray.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in uu mar kale la hadli doono Putin dhowr saacadood gudahood inkastoo uusan sheegin Sharuudaha Putin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here