Home Wararka Caalamka Lix qof oo naftooda ku waayey shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka...

Lix qof oo naftooda ku waayey shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Maraykanka

0

Lix qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka Arbacadii, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Helicopter-ka ayaa nooceedu ahaa Bell UH-1B, oo la soo saaray 1962-kii, waxaana loo adeegsaday dagaalkii Vietnamiyada oo la xiriirta isu imaatinka dadka xiiseeya diyaaradaha ee taariikhiga ah, sida laga soo xigtay The New York Times .

Sonya Porter, oo ah ku simaha madaxa maamulka xasaradaha ee countiga Logan, ayaa sheegtay in lixda qof ee saarna diyaarada markii ay burburtay helikobterka midna uusan badbaadin

Waxay sheegtay in ilaa hadda aysan caddayn waxa sababay shilkan.

– Markii ay diyaaraddu burburtay, waxay ahayd cimilo caadi ah, ayay tidhi. Shilkan ayaa ka dhacay meel buur ah oo lagu magacaabo Kelly Hollow, oo ku taal koonfurta galbeedka Virginia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here