Home Wararka Maanta Linköping: Qorshe Quraanka lagu gubayay oo Fashilmay, Saddex Boolis ah oo la...

Linköping: Qorshe Quraanka lagu gubayay oo Fashilmay, Saddex Boolis ah oo la geeyay Isbitaalka

0

Gelinkii dambe ee shalay ayaa saddex askari oo boolis ah la keenay qolka gargaarka degdegga ah, taasoo ka dhalatay rabshado ka dhacay magaalada Linköping ee dalka Sweden, halkaasoo Rasmus Paludan loo fasaxay inuu bannaanbax ku qabto.

Waxay qortay dhowr warbaahin Iswiidhish ah sida uu sheegay Ritzau.

Rabshadaha ayaa sida muuqata ka dhashay xaqiiqda ah in hogaamiyaha uu gubayo Quraanka. Ma cadda inuu sameeyay. Balse dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay si ay uga hortagaan.

Baabuur dhowr ah ayaa gubtay, waxaana sidoo kale burbur loo geystay baabuur ay leeyihiin booliska magaalada Linköping.

Intaa waxaa dheer, laba qof ayaa la xiray.

Saddexda askari ee dhaawaca ah ayaa labo ka mid ah waxaa soo gaaray dhaawac fudud, halka midka saddexaadna aan la ogeyn xaaladda uu ku sugan yahay.

Paludan ayaa dhowr sano ka hor qaatay dhalashada Sweden , wuxuuna bishii February sheegay inuu u tartami doono doorashada baarlamaanka ee September. Waxa uu xisbiga Stram Kurs ka diiwaan gashaday Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here