Home Wararka Maanta Lena Hellengren ” Dadka dhibaatada ku dareema Talaalka waxaan siineenaa Magdhow ”

Lena Hellengren ” Dadka dhibaatada ku dareema Talaalka waxaan siineenaa Magdhow ”

0
Foto: Anders Wiklund/TT

Xili dad badan oo ku nool aduunka ay ka baqayaan dhibaato kasoo gaarta Talaalka Corona ee dhawaan la ansixiyay ayaa taasi waxaa ka hadashey wasiirada Arimaha Bulshada ee Sweden Lena Hellengren.

Lena Hellengren oo ka hadleysa talaalka iyo shirkada ka dhisan wadanka ee Dawooyinka kuwaasi oo la galeen heshiis dhanka talaalka ah ayaa sheegtay in labo kamid ah shirkadahaasi aysan ku jirin ceymis.

Wasiirada ayaa sheegtay in ay doonayaan in dadka ku dareemaan talaalka nabadgalyo isla markana dowlada balan-qaadeyso magdhowga dhibaato kasta oo kasoo gaarta talaalka.

Ilaa iyo shan shirkadood ay Sweden la saxiixatay talaalka Covid-19 labo ka mida ayaan xarun hore ugu yeelan dalka taasi oo u dhiganta in aysan ku jirin ceysmiska dawooyinka dalka.

Barlamaanka ayaa la filayaa in la horgeeyo dhawaan sharci cusub kaasi oo qofka xaq u siinaya magdhow hadii dhibaato kala kulmo talaalka dhawaan bilaabanaya.

Durba wadanka UK oo bilaabay talaalka ayaa laga soo sheegtay dhibaato ka timid talaalka iyadoo dadka qaba xasaasiyada loo sheegay in aysan qaadan talaalka madama dadkii qabay xasaasiyada ay dareemeen dhibaato markii la talaalay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here