Home Wararka Maanta Laga Bilaabo Bari Dadka Waxay Kaarkood Bangiga Dibada ku iibsan karaan SL...

Laga Bilaabo Bari Dadka Waxay Kaarkood Bangiga Dibada ku iibsan karaan SL Card Stockholm

0
Foto: Ali Lorestani / TT

Laga bilaabo berri, 2da Febraayo, dadka isticmaala gaadiidka dadweynaha ee Stockholm waxay awoodi doonaan inay raacaan dhammaan basaska SL iyagoo isticmaalaya kaararkooda dibada kuna jaranaya Sl card-ka taasi oo la micno ah In Qofka uusan tageynin Goobaha Laga Goosto Sl-ka hadii uu heesto Kaar wadan kale madama qeybta bixinta lacagta lagu soo kordhiyay Kaararka Dibada.

Stockholm waxay noqon doontaa. caasimada ugu horeysa ee wadamada Waqooyiga Yurub ee bixiya xalka noocan ah bixinta Lacagta tikidhada. Waxaa loo isticmaalaa magaalooyin kale oo waaweyn sida London, Brussels iyo New York. Sida maanta ay tabisay SVT.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday gaadiidka dadweynaha ee caasimadda, maadaama dhammaan kaararka bangiyada ay hadda yihiin kaararka SL,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga taraafikada Stockholm Christopher Tamsons. “Maalintii caadiga ahayd ka hor Corona, in ka badan 3 milyan oo safar ayaa lagu soo maray SL. Sidaa darteed, gaadiidka dadweynaha ee Stockholm waa inuu lahaadaa heerar caalami ah oo tikidhada iyo nidaamka safarka ah. ”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here