Home Wararka Maanta Lacag Dheeri ah oo loogu deeqay Dugsiyada Waxbarasho ee Stockholm

Lacag Dheeri ah oo loogu deeqay Dugsiyada Waxbarasho ee Stockholm

0

Magaalada Stockholm ayaa 102 milyan karoon ku bixineysa dugsiyada hoose ee magaalada. Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii ay mudaharaad sameeyeen shaqaalaha dugsiga iyo waalidiinta oo dalbanayay lacag dheeraad ah oo loogu talagalay dugsiga.

Ururka macalimiinta Sweden ayaa bishii March sheegay in rubac bilyan kaliya ay ka maqan yihiin dugsiyada hoose dhexe ee Stockholm si loo ilaaliyo heerka hadda taagan.

Stockholm, waxaan hadda si qoto dheer u furtay khasnadaha si aan awood ugu yeelanno inaan u qoondeyno 102 milyan oo karoon kale dugsiyadeena,” ayay tiri Karin WanngÃ¥rd (S) oo ka tirsan golaha dhaqaalaha oo war-saxaafadeed soo saartay.

25 ka mid ah wadarta 102 milyan ee lagu daray waxa loo qoondayn doonaa dugsiyo madax-bannaan, iyo sidoo kale kuwa macaash ka sameeya. Tan waxa u sabab ah qaabaynta sharciga dugsiga.

AD
Previous articleErdogan oo ka Hadlay Wareega Cusub ee loogu Gudbayo Doorashada Turkiga
Next articleHaweeney dhimatay oo loo doortay dowladda hoose ee Hindiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here