Home News in English Labo Toogasho oo xalay ka dhacday Xaafadaha Husby iyo Hjulsta ee Stockholm

Labo Toogasho oo xalay ka dhacday Xaafadaha Husby iyo Hjulsta ee Stockholm

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Laba nin ayaa lagu toogtay magaalada Stockholm shalay oo isniin ah galabkeeda

Marka hore, nin ayaa lagu toogtayaagga Husby. toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow tareenka dhulka hoostiisa mara ee Husby. Ninka la toogtay ayaa da’diisa u dhaxeysa 25 ilaa 30 sano.

Booliska ayaa qabtay nin looga shakisan yahay dilka. Laakiin waxay raadinayaan qof kale.

Kadib xiliga habeenkii nin kale ayaa lagu toogtay aagga Hjulsta. Wuxuu ahaa nin 30 jir ah oo lagu toogtay goob baabuurta la dhigto.

Booliisku ma uusan qabanin qofkii ama dadkii wax ku toogtay Hjulsta.

Husby iyo Hjulsta aad ayey isugu dhowyihiin waxaana ku nool dadka ajaanibta gaar ahaan somalida inkastoo dadka la toogtay qaar aysan somali aheyn.

Booliska ayaa hada baaraya in toogashadu ay wax xiriir ah leeyihiin iyo in kale.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here