Wasiirka maaliyadda ee UK iyo wasiirka caafimaadka ayaa xilka isaga tagaya iyaga oo ka mudaaharaadaya hoggaanka ra’iisul wasaare Boris Johnson.
Fariinta ayaa lasoo dhigay Twitter wax yar ka dib 7-dii fiidnimo xilliga Sweden.
Wasiirka caafimaadka Sajid Javid ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha inuu u gudbiyo istiqaaladayda Wasiirka Caafimaadka.
“Waxay ahayd mudnaan aad u weyn inaan ku shaqeeyo doorkan, laakiin waxaan ka qoomameynayaa inaanan sii wadi karin ,” ayuu qoray.
Wasiirka maaliyadda Rishi Sunak ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in uu iska casilayo xilka.
Wararka kale ee Maanta
AD