Home News in English Laanta Socdaalka ee Migrationsverketka oo ku dhawaaqday Dalal Amaan ah oo Qaxootiga...

Laanta Socdaalka ee Migrationsverketka oo ku dhawaaqday Dalal Amaan ah oo Qaxootiga lagu celin karo

0

Laanta Socdaalka Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday liis ay ku qoran yihiin dalal amaan ah oo ay si toos ah ugu celin karto magangalyo-doonka. Liiska waxaa ku jira sideed dal: Albania, Bosnia iyo Herzegovina, Chile, Kosovo, Mongolia, Macedonia, Serbia, iyo Mareykanka. Sida uu soo xigtay TT.

Dowlada ayaa ka codsatay waaxda socdaalka inay soo bandhigaan liiska wadamada nabdoon ee muwaadiniintoodu aysan sal iyo raad ku lahayn inay magan galyo ka helaan Iswiidhan.

Daniel Greenfarb, oo ah sarkaalka ka tirsan Waaxda Sharciga ee Socdaalka, wuxuu yidhi, “Hay’adu waxay u aqoonsatay tiro badan oo ka mid ah sideeda wadan inay yihiin dalal amaan ah.

Toban qof oo Mareykan ah ayaa magangalyo weydiistey Sweden sanadkii hore. Sannadihii ugu dambeeyayna, waxaa jiray dhowr darsin Mareykan ah oo sameeyay.

“Waxaan raacnay heerar isku mid ah dhammaan waddammada,” ayuu yiri Greenfarb. Waxaan u aragnay waddan nabadgelyo leh haddii uu helo ilaalin dowladeed oo ku filan iyo ku dhaqanka sharciga.

Wuxuu intaas ku daray in Laanta Socdaalka ay ku tiirsaneyd liis ka kooban 60 wadan oo la baaray sababo la xiriira joogitaanka meelo ka khatar badan wadamada qaar, tusaale ahaan, ama sababo kale oo sharci ah.

Ujeedada liiska wadamada nabdoon ayaa ah in laga yareeyo cadaadiska saaran Hay’adda Socdaalka, si kiisaska dadka ka imanaya dalalkan loola macaamilo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ururada xuquuqda aadanaha, sida Amnesty International, ayaa dhaleeceeyay isbedelka lagu sameeyay sharciga ajaaniibta iyagoo ku sababeeyay in wadamada qaar ay nabad qabaan.

Sharciga ajaaniibta ee wax laga badalay, oo u ogolaanaya magangalyo-doonka in lagu celiyo iyadoo la tixraacayo liiskan, ayaa dhaqan galaya 1-da Maajo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here