Home News in English Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo xireysa Xaruumaha qaarkood..

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo xireysa Xaruumaha qaarkood..

0

Sida ay sheegtay hay.ada laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket waxaa lagu wadaa in la xiro goobaha lagu qaabilo qaxootiga badankooda.

Arinta xiritaanka ayaana timid kadib markii hoos u dhacay tiradada dadka magangalyo doonka iyo sidoo kale qaabilaada oo hoos u dhacday.

Madaxda isku dudaha Waaxda qaranka Veronika Lindstrand Kant ayaa sheegay in sanado badan kadib ay hada ka guurayaan goobaha qaarkood.

Sida Dowlada iswiidhan laanteeda socdaalka ay u joojisay guryaha loogu tala galay qaxootiga ayay dhanka kale waxay u xireysaa xafiisyo badan lakin waxay sheegtay in ay ku qaadaneyso mudo sanad ah xiritaanka xafiisyada.

Sanadkan 2018 Migrationsverket ayaa ka guuresa 9 xaruun oo ku yaala Falkenberg, Helsingborg, Söderhamn, Gävle, Pajala, Sveg, Vilhelmina, Gällivare iyo Strömsund.

Heerka qaxootiga dalka Sweden ayaa hoos u dhacay waxana dhawaan la xiray guryo badan oo loogu tala galay soo dhaweynta qaxootiga kadib markii loo waayay dad la dajiyo xaruumahaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here