Home News in English Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka ayay ka Codsatay Inaan dib loogu celin Dalkeeda

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka ayay ka Codsatay Inaan dib loogu celin Dalkeeda

0

Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa diiday codsi magangalyo oo ay u gudbisay haweeney u dhalatay dalka Iran, waxayna go’aan ku gaartay in dalkeeda loo musaafuriyo, waxaana arrintan ay ku soo beegantay xilli sawiro laga qaaday uu caalamka gaaray Sawirada oo muujinaya haweeneyda Iran u dhalatay oo sameeneysa banaanbax ka dhan ah maamulka halkaasi ka jira.

Iyadoo taasi jirto, haweeneyda oo lagu magacaabo Nada, ayaa go’aansatay inay racfaan ka qaadato go’aanka Hay’adda Socdaalka iyadoo loo marayo sababo cusub oo magangalyo ah.

“Boolisku way i dili doona haddii aan u noqdo Dalkeyga,” ayay u sheegtay DN.

Nada oo 36 jir ah ayaa soo muuqatay, iyadoo timaha ku xiirtay maqas, oo ay ku hareeraysan yihiin dibad-baxayaal, boorar iyo calammo Iran, intii lagu guda jiray bannaanbax maalmo ka hor ka dhacay bartamaha Stockholm, oo looga soo horjeeday isla “maamulkii” ay ka soo carartay, sida uu sheegay wargeysku. Waxay soo jiidatay indhaha caalamka ka dib dhimashadii gabadh da’yar oo ay gacanta u gashay booliiska anshaxa ee Iran.

Codsigeeda magangalyo, Nada waxa ay ku qeexday sida ninkeeda loogu garaacay iyo xadgudubka loogu geystay Iran. Waxa ay tustay wargeyska gacanteeda bidix oo dhaawac ah waxa kale oo ay xustay nabarrada ka muuqda wejigeeda oo ay sheegtay in ay ka dhalatay garaacista.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here