Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha

0

Dadka degan saddex Gobol oo Japan ah ayaa loo sheegay inay gabaad galaan ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay gantaalo cusub ridday Khamiistii. Mid ka mid ah ayaa ahaa Nuuca Qaaradaha.

Saraakiisha guud ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay ogaadeen soo rididda wax ay aaminsan yihiin in uu yahay gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba, waxa loogu yeero ICBM, kaas oo qaadi kara hubka nukliyeerka, meel u dhow caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

Waxay rumeysan yihiin in tijaabada, ay dhacday abbaare 7.40 subaxnimo subaxnimadii Khamiista waqtiga maxalliga ah.

Ku dhawaad ​​saacad ka dib, laba gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ayaa laga soo riday magaalada u dhow ee Kacheon, kuwaas oo u aaday dhanka badda Japan.

Dhanka Kuuriyada Koonfureed, wax war ah oo dheeri ah lagama hayo halka uu ku socdo gantaalkan, balse waxaa laga yaabaa in gantaalka riddada dheer lagu riday xagal sare si looga fogaado in uu gaaro dhulka ay deriska yihiin Kuuriyada Waqooyi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here