Home News in English Kuuriyada Waqooyi oo Kuuriyada Koonfureed ugu hanjabtay hub nukliyeer ah

Kuuriyada Waqooyi oo Kuuriyada Koonfureed ugu hanjabtay hub nukliyeer ah

0
FILE - Kim Yo Jong, sister of North Korea's leader Kim Jong Un, attends a wreath-laying ceremony at Ho Chi Minh Mausoleum in Hanoi, Vietnam, March 2, 2019. The influential sister of North Korean leader Kim called South Korea’s defense minister a “scum-like guy” for talking about preemptive strikes on the North, warning Sunday, April 3, 2022, that the South may face “a serious threat.” (Jorge Silva/Pool Photo via AP, File)

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digtay in hubka Nukliyeerka ah u adeegsan doonto Kuuriyada Koonfureed haddii dalka ay deriska yihiin ee koonfurta uu weeraro dalkaas.

“Haddii ay dhacdo in Kuuriyada Koonfureed ay doorato iska horimaad millatari, waa lama huraan in ciidamadeena Nukliyeerka ah ay gutaan waajibaadkooda,” ayay tiri Kim Yo-jong oo ah walaasha saameynta leh ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Yo-jong, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee taliska ee KCNA. .

Kuuriyada Waqooyi weligeed ma weerari doonto marka hore, ayay raacisay.

Laakin hadii Kuuriyada Koonfureed, sabab kasta ha ahaatee, ay u adeegsato awood militari sida ‘weerar ka hortag ah’, sida uu hadalka u dhigay wasiirka gaashaandhigga Suh Wook, xaaladdu way is beddeli doontaa,” ayay tiri.

Kuuriyada Koonfureed lafteedu waxay noqon doontaa bartilmaameed,” ayuu yidhi Kim.

Toddobaadkii hore, waxay ku dhaleecaysay Suh faallooyinkiisa ku saabsan awoodda Kuuriyada Koonfureed ay ku weerarto Kuuriyada Waqooyi. Kadib waxay ku eedaysay inuu sameeyay hadallo qayrul masuul ah oo ku saabsan “weerar ka hortag ah”.

Jimcihii, Suh wuxuu si cad u sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soul ay awood u leeyihiin inay weeraraan bartilmaameedyada Waqooyiga Kuuriya “si sax ah oo degdeg ah” isla marka ay jiraan calaamado cad oo weerar ah oo lagu qaaday Kuuriyada Koonfureed.

Weerarada afka ah ee u dhaxeeya dowladaha labada dal ayaa ah mid aan caadi ahayn, balse hadalka Kim Yo-jong ayaa hadda imaanaya xilli xiisadaha gobolka ay mar kale soo kordhayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here