Maalintii labaad oo xiriir ah, waxaa sii socday duqeymaha ay Israa’iil ka geysaneyso Gaza, Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 970 qof, marka lagu daro kumanaan kale oo dhaawac ah oo ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee joogtada ah.
Lix ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale si xun ugu dhaawacmay duqeyn lagu garaacay xaruntooda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo shaacisay in dadka dhaawacmay loo gudbiyay isbitaalka Al-Aqsa ee magaalada Deir al-Balah, halkaasoo mid ka mid ah uu markii dambe ku dhintay. Dhanka kale Israa’iil ayaa beenisay in ay bartilmaansatay goobo ay Qaramada Midoobay leedahay.
Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa sheegay in ciidamadoodu ay sii wadi doonaan howlgalkooda ilaa ay Xamaas ka fahmayaan in sharcigii ciyaarta uu isbedelay.