Home News in English Khilaaf u dhaxeeya Maamulka Masaajidka Towfiiq oo sababay in lacagta Deeqda laga...

Khilaaf u dhaxeeya Maamulka Masaajidka Towfiiq oo sababay in lacagta Deeqda laga jarto

0

Masaajidka Towfiiq ee ka dhisan Caasimada Norway ayaa laga jaray lacagta Deeqda ee Dowlada ugu tala gashay kadib markii khilaaf soo dhexgalay Maamulka Masaajidka oo Somali ah.

Khilaafka ayaa salka ku haya Awood Qeybsiga Masaajidka oo markii hore loogu qeybsaday qaab qabiil sida wararka warbaahinta gudaha ay ka qoreen Masaajidkaasi waxana xubnaha qaar ay aaminsanyihiin in kuraasta masaajidka laga badsaday.

Go’an uu qaatay Imaamka masaajidka oo ahaa joojinta imaamnimada ayaa keentay in si ku meer gaar ah loo lahakiyo lacagta loogu tala galay masaajidkaasi sida uu sheegay joornalka Norsomnews iyo warbaahinta kale ee gudaha.

Sheekadan ayaa hada noqotay mid laga hadal hayo inta Badan goobaha leeskugu yimaado ee Caasimada Norway iyo Nawaaxiga Halka uu ka dhisan yahay Masaajidka.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dhawaan Masaajid ku yaala Magaalada Gotenborg la xiray kadib markii leesku qilaafay Hogaanka Masjidka kaasi oo ilaa hada Xal laga gaarin.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here