Home Wararka Caalamka Joe Biden oo Saxiixay ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO

Joe Biden oo Saxiixay ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO

0
AP Photo/Susan Walsh

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay ansixinta Congress-ka Maraykanka ee khuseeya codsiyada Sweden iyo Finland si ay uga mid noqdaan ururka NATO ee Waqooyiga Atlantic, taas oo macnaheedu yahay in ansixintu ay noqotay mid wax ku ool ah sharciga Maraykanka.

 “Marka Sweden iyo Finland ay xubin ka noqdaan NATO, isbahaysigu wuu sii xoogaysan doonaa sidii hore,” ayuu Madaxweyne Biden ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay heshiiska kaddib.

Warbaahinta Sweden ayaa ku warantay in Madaxweyne Biden uu wacay Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson ka dib markii uu u saxiixay inuu si shaqsi ah ugu sheego. Andersson oo saarneyd baska ololaha doorashada ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay taageerada Mareykanka, isla markaana howsha shahaado bixinta ay ku socoto si ka dhaqso badan sidii la filayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here