Home Wararka Caalamka Jimmie Åkesson oo eedeeyay Raisal Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson

Jimmie Åkesson oo eedeeyay Raisal Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson

0
Foto Henrik Montgomery / TT

Hoggaamiyaha xisbiga SD Jimmy Okesson ayaa ra’iisal wasaare Magdalena Andersson ku eedeeyay “in ay si badheedh ah u burburisay Sweden”. Andersson waxay nafteeda u hurtay inay burburiso dal dhan, Åkesson ayaa yidhi sidaasi.

Åkesson waxa uu soo bandhigay sawir aad u xun oo Sweden ah mar uu khudbadiisa ka jeedinayay todobaadka Almedalen ee maanta, isagoo xusay inay jiraan wax uu ugu yeeray “xukun qabiil”, “koox shisheeye ah”, “dilka cunsuriyiinta”, “dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeya kooxo dambiilayaal ah” iyo “Rabshadaha Muslimiinta”.

“Waxay aniga iyo asxaabtayda xisbigaba ka digaynay muddo dheer.

Åkesson waxa uu ku celceliyay odhaahda ah “Sweden ka dhig mar kale mid wanagsan”, iyada oo ay muuqato in uu dhiiri galin ka qaatay madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ee caanka ahaa ee “Make America Great Again”.

Åkesson wuxuu eedayn dusha u saaray dhammaan xisbiga S. “Maalin ka hor shalay waxaan maqalnay Magdalena Andersson oo leh ‘waa Jecelnahay Iswiidhan’,” lakin ma jecla Iswiidhan. Taasina waa inay caddahay ka dib markii sideedii sano ee la soo dhaafay loola dhaqmay wadankeena sida adag.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here