Home Wararka Caalamka Israel oo duqeysay qunsuliyada France iyo Shaqaale ka tirsan qunsuliyadda oo ku...

Israel oo duqeysay qunsuliyada France iyo Shaqaale ka tirsan qunsuliyadda oo ku dhintay

0
Photo/Vyacheslav Madiyevskyy/Reuters

Shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Qaza ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray ka dib weerar cirka ah oo Israel ay geysatay, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska Sabtidii.

Qofka shaqaalaha ah oo aan wasaaraddu magacaabin, waxa uu ka shaqaynayey qunsuliyadda tan iyo 2002.

“Faransiiska ayaa cambaareeyey weerarkii ka dhacay dhisme ay daganaayeen oo ku yaalla Gaza, kaasoo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. Waxaan ka dalbaneynaa maamulka Israel inay si buuxda u fahafaahiyaan sababaha duqeyntan, sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri hadalka Wasaaradda.

Axaddii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna ayaa sheegtay in ay u joogtay Tel Aviv si ay ugu nuux-nuuxsato muhimadda ay leedahay badbaadinta rayidka  iyado sidoo kale muujinayso garab istaagga France ee Israa’iil ka dib weeraradii Oktoobar 7.

– Advertisement –
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here