“Iskuulada Somalia ayaa ka tayo fiican kuwa Norway”

9

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Norway ayaa caruurtooda u diray wadamada Afrika qaasatan Kenya, Somalia iyo Masar. Ujeedada ka dambaysa arintaan ayay waalidiintu ku sheegeen in ay tahay in heerka waxbarashada ee iskuulada Norway ay liidato. Waalidiinta qaar ayaa sheegay in xitaa iskuulada Somalia ay ka tayo fiicanyihiin kuwa Norway.

Baaritaan lagu sameeyay arintaan ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 200 caruur ah oo Soomaali ah ay ku noolyihiin Somalia, kuwaasoo markii la waydiiyay waalidiinta sababta ay ugu direen caruurtooda Somalia ay sheegeen in ay waxbarasho u direen. Waalidiinta ayaa dhinaca kale sheegay in iskuulka ka sagoow aysan doonayn in dowlada Norway ay faraha la gasho qaabka ay caruurtooda u korinayaan. Arintaas ayaa qaasatan muhiim u ah Soomaalida iyadoo sanadihii dambe caruur badan laga qaatay waalidiin Soomaaliyeed.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here