Ingariiska oo dhigay Rikoor Cusub ee Coronavirus-ka ka jira Dalkaasi

Boqortooyada Midowday waxay diiwaan galisay 41,385 oo laga helay cudurka loo yaqaan ‘covid-19’, oo ah tirada ugu badan ee maalinle ah.

Rikoodhkii hore wuxuu ahaa 39,237, ee xanuunka laga helay 23-kii Diseembar.

Si kastaba ha noqotee, Agaasimaha Ilaalinta Caafimaadka ee Dadweynaha England, Yvonne Doyle, ayaa rumeysan inay rajo jirto.

“Waxaan ka hortagi kartaa fayraska qaab iskaashi iyadoo tallaalka ugu horeya uu gaadhayo kuwa ugu nugul.

Ingariiska ayaa ah Dalkii ugu horeeyay ee Yurub kaasi oo laga helay Xanuunka Coronavirus midkiisa cusub waxana taasi keentay in wadamo badan laga xiro dalkaasi.

Somaliska.com Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.