Home News in English Imtixaanka Taxi-ga Sweden oo Sharciyo Cusub iyo isbadalo lagu Sameeyay

Imtixaanka Taxi-ga Sweden oo Sharciyo Cusub iyo isbadalo lagu Sameeyay

0
Foto: Claudio Bresciani / TT

laga bilaabo bisha November ee soo socota waxaa isbadal lagu sameeyay Sharciga ama habka loo galo imtixaanka dadka doonaya inay qaadaan kaarka Taxi-ga waxa afka swedhishka lagu dhaho Taxilegtimation.

Warbaahinta Somaliska ayaa halkan idinkugu soo gubineysa isbadalka cusub ee lagu sameeyay faa’idada ku jirta qeybta cusub iyo dhibaatada ku soo korortay.

si aad u hesho kaarka Taxiga waxaa jira ilaa saddex qeyb oo imtixaan ah kuwaasi oo computerka ku sameeneyso waxana ay kala yihiin (Lag) oo ah qeybta sharciyada (Säkerhet) qeybta amaanka iyo kaartada waxana meesha laga saaray kaartada.

ha u fahmin in kaartada guud ahaan meesha laga saaray ee waxaa lagu soo daray qeybaha cusub iyadoo dhibaatada adag ee hada jirto ay tahay in su’aalaha imtixaanka ay aad u adagyihiin madama laga dhigay 70 su’al halka qeybta kalena laga dhigay 50 su’al waxana heesataa min 50 daqiiqo.

Qeybta Cusub waxaa lagu soo kordhiyay in Qofka uu imtixaanka ku xiran karo Gaari Automatic ah ama aan marsho aheyn xitaa hadii uu heesto ama uu gaariga B ku soo qaaday nuuca geerka ama marshada Waxaa sidoo kale ku cusub imtixaan afka ah oo marka aad gaariga wadeysid lagugu jiheynayo qaab af ah si aad u tagto goobta bartilmaameydka ah.

Author: Caydaruus

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here