Home Wararka Caalamka Iiraan oo fulisay weerrar ay carruur ku dhinteen

Iiraan oo fulisay weerrar ay carruur ku dhinteen

0
CCTV. Foto: CCTV via AP / NTB Foto: NTB

Pakistan ayaa si caro leh ugu eedaysay Iran inay fulisay weerar ka dhacay gobolka Baluchistan oo ee dalkaasi Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa ka digtay suurtagalnimada cawaaqib xumo ka dhalan karta wax ay ugu yeertay xadgudub aan gabi ahaanba la aqbali karin oo lagu sameeyay hawadeeda.

Pakistan ayaa sheegtay in labo caruur ah ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay geysatay dalkan ay deriska yihiin.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee xiriirka la leh militariga dalkaas.

Balse Pakistan ayaa gaashaanka u daruurtay arrintan, waxayna ku tilmaantay “fal sharci darro ah” oo horseedi kara “cawaaqib xumo”.

Pakistan waa waddankii saddexaad, marka laga reebo Ciraaq iyo Suuriya, oo ay weerarto dhawrkii maalmood ee u dambeeyay.

Weerar gantaal ah oo Iran ay ku qaaday Pakistan ayaa la sheegay inuu yahay mid aan horay loo arag.

Gantaalkii Talaadadii ayaa ku dhacay tuulo ku taal gobolka ballaaran ee koonfur-galbeed ee Balochistan, kaasoo xuduud la leh labada dal.

War qoraal ah oo ka soo baxay, Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si adag u cambaaraysay “xadgudubka aan loo meel dayin ee ay Iran ku hayso hawadeeda”. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Waxay dhacdadan ku tilmaantay “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin”,

Dhanka kale Iran ayaa goor dambe oo isniintii ah waxay weerar gantaallo ah ku garaacday bartilmaameedyo ku yaala magaalada Irbil ee waqooyiga Ciraaq, taasoo keentay in Mareykanka uu cambaareeyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here