Home Wararka Maanta Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson oo sheegay in la mamnuuco indho-sharerka..

Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson oo sheegay in la mamnuuco indho-sharerka..

0

Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna Jammie Åkesson ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in aan waqti badan looga baahneen sidii loo mamnuuci lahaa xijaabka iyo naqaamka.

Jimmie Åkesson ayaa sheegay in Dharkaasi ay yihiin kuwa dhanka amaanka keeni kara qatar isla markana loo baahanyahay sidii loo mamnuuc lahaa.

Xisbiga uu hogaamiyo jimmie Åkesson ayaa sanadkii 2010 soo dhaweeyay go.ankii dowlada France ay ku mamnuucday indho shareerka ee ku aadaneyd meelaha dadweynaha.

Jimmie ayaa sheegay in Sweden ay qasab ku tahay raacitaanka go.anka dowlada France ay ku mamnuucday xijaabka xiligaasi ayuuna ku sheegay shir jaraa.id uu qabtay.

” Wadamo badan ayaa qaaday talaabo ku aadan arintaasi Dowlada Sweden waxay kamid tahay dowlada arintaasi ku howlan tusaale hada kuma xiran kartit wax xijaab ah goobaha shaqada ” Jimmie ayaa sidaasi u sheegay SVT.

Xisbiga Sverigedemokraternas ee Dalka Sweden ayaa aad ugu ololeeya sidii sverige looga mamnuuca lahaa xijaabka taasi oo dhoor jeer ku guuldareesteen.

Somaliska Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here