Home Wararka Maanta Heshiis laga gaaray Shaqo abuur loo sameenayo Dadka aan mudada shaqeyn iyo...

Heshiis laga gaaray Shaqo abuur loo sameenayo Dadka aan mudada shaqeyn iyo dadka cusub..

1

Waxaa heshiis rasmi ah dhexmaray ururada Shaqaalada Sweden iyo Sidoo kale dowlada taasi oo ku aadan shaqo abuur loo sameenayo dadka mudada dheer shaqo la.anta ahaa iyo sidoo kale dadka ku cusub dalka.

Barnaamijkan laga gaaray heshiiska ayaa ka dhigan in shaqo abuur loo sameenayo ku dhawaad 10,000 kun oo qof oo dalka ku sugan kuwaasi oo iskugu jira dad waqti dheer shaqo la.an ahaa iyo dadka markaasi dalka cusub.

barmaajikan ayaa dhanka kale waxaa loo maridoonaa isku dhafka shaqo iyo waliba in uu qofka helo waxbarasho uu shaqo ku heli karo.

labada dhinac ayaa gaaray heshiis dhigaya in qofka loo shaqeenayo uu mushahar ahaan u bixiyo bishii lacag dhan 8,400 kun oo kronor halka dowlada ay dhankeeda ay mushahar ahaan u bixindoonto lacag dhan 9,870 kun oo kronor.

barnaamijkan ayaa loogu tala galay lacag dhan 1,2 miljarder  sanadkii waxana la filayaa in uu yareeyo shaqo la.anta heesata bulshada sweden sida uu sheegay wasiirka suuqa shaqda Ylva Johansson.

Waxaa jira xisbiyo kasoo horjeestay heshiiska oo la filayo in la horgeeyo barlamaanka kuwaasi oo soo bandhigay sababaha ay kaga soo horjeedaan arinkaasi.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here