Home Wararka Maanta Hay’ada PST oo ka hadashay Gaariga Wasiir ka tirsan Norway oo la...

Hay’ada PST oo ka hadashay Gaariga Wasiir ka tirsan Norway oo la gubay.

0

Wasiirka saaxiibtii (samboer) oo lagu soo oogay inay gubtay iyadu gaariga wasiirka.

Hay’adda PST ayaa qabatay maanta gelinkii dambe shir jaraa’id oo ay kaga hadleen baaristii kiis ku aadanaa falal lid ku ah waasiirka cadaaladda Norway Tor Mikkel Wara (Frp).

PST oo isniintii la kulantay warbaahinta ma aanay jirin cid ay tuhunsanaayeen inay ku lug lahaayeen kiiska wasiirka laakiin waxaa la yaab noqotay markii ay maanta sheegeen in kiiska ay ku eedaysan tahay gabadha ay wada nool yihiin (samboer) wasiirka ee lagu magacaabo Laila Anita Bertheussen.

Waxay sheegeen in ay ku eedaysan tahay inay hadalo wax kama jiraan ah ka sheegtay kiiska hanjabaada ka dhanka wasiir Wara iyo qaasatan gaarigii qoyska wasiirka ee axaddii tobanka bishaan la gubay.

– Waxaa la soo xiray khamiista loona sheegay tuhunka aan ka qabno ee loo soo xiray ayey tiri madaxa PST Benedicte Bjørnland.

– Waxaa lagu soo eedeeyey dhacdadii ugu dambaysay ee habeenkii axadda 10-ka maarso ayey tiri mar kale.

Madaxa PST waxay sheegtay inay dhici karto in arrintan lagu xiriiriyo dhacdooyin kale oo hore.

– Bertheussen su’aalo ayaa la waydiinayaa hadda, waxaana lagu soo oogay inay gubtay gaariga wasiirka cadaaladda ayey tiri Bjørnland.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here