Home News in English Hay’ada Migrationsverket oo go’aamisay Musaafurinta Hooyo iyo Labo Caruur ah oo ay...

Hay’ada Migrationsverket oo go’aamisay Musaafurinta Hooyo iyo Labo Caruur ah oo ay dhashay

0

Hay’adda socdaalka ay go’aansatay in ay Musaafuriso hooyo Masri ah iyo laba ka mid ah carruurteeda xili hooyada ay qabto Xanuun aan la daween karin.

Hooyadan oo la ildaran cudurka kansarka ayaa in ka badan toban sano kula nooleyd labo caruur ah oo ay dhashay oo ku nool dalka Sweden, halkaasi oo ay degenaayeen, iyadoo shaqeyn jirtay ilaa ay ka xanuunsatay, taasoo u diiday inay sii wadato shaqadeeda.

Ehelada hooyadan ayaa isku dayay inay baabi’iyaan go’aanka masaafurinta iyagoo sharuudo uga dhigaya kansarka, kaasoo caqabad ku ah dhaqangelinta nidaamka tarxiilka, sida uu sheegay Radio Sweden , balse laanta socdaalka ayaa arrintaasi ku gacan seyray, taasoo sabab uga dhigtay in daryeel caafimaad oo ku filan Masar laga helo. .

Hooyada oo la hadashay Radio Sweden ayaa tiri “ma fiicna. Aniga iyo carruurtaydaba ​​waanu baqaynaa, Masar cidna kuma lihin, guri iyo shaqo toona.”

Ma ahan markii ugu horeysay oo Hey’adda Socdaalka ay go’aan ku gaarto in dadka loo masaafuriyo dalalkii ay ka yimaadeen, inkastoo ay jiraan sababo caafimaad ama xitaa in ay Sweden joogeen sanado

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here