Home Wararka Maanta Haweeney Somali ah oo Meydkeeda laga helay guri ay ka dagneyd magaalada...

Haweeney Somali ah oo Meydkeeda laga helay guri ay ka dagneyd magaalada San Diego.

1

Haweendeydaas ayaa waxaa  lagu Magacaabi jiray Muna Kuri da’deedana waxaa lagu sheegay ilaa  36 jir, waxaana  meydkeeda laga helay gurigii ay deganeyd oo ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California dalka  Mareykanka.

Ehelada Haweeneyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in la weysnaa ilaa Sabtiii,hayeeshee markii dambe  meydkeeda laga helay hoygii ay deganeyd, iyada oo dhaawacyo culus ay ka muuqdaan qeybaha hore ee jirkeeda.

Kiiska Haweeneyda ayaa waxaa la wareegay oo baaritaano ku haya Booliska magaalada San Diego, balse Aamino Salaad oo la dhalatay Muno ayaa waxa ay sheegtay in ay tuhun san yihiin in Ninkeeda uu dilka ka dambeeyey.

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa qaar ka mid ah Ehelada ayaa waxa ay sheegtay in Muna Kuri ka hor Mareykanka ay ka timid dalka Kenya,islamarkaana ay aheyd Haweeney dabci wanaagsan leh.

Ninka qabay Muni Kuri ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdi Casiis marka laga soo tago tuhunka ay sheegtay Aamina Salaad  oo ah inay ka qabaan in uu isaga ka dambeeyey dilkeeda weli majirto cid sigaar ah ugu soo eedeysay,hayeeshee booliska magaalada San Diego ay wadaan baaritaano ku aadan dilkaas.

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here