Home News in English Haweeney Qaadan jirtay Lacagta Caruurta iyadoo Dalka ka Maqan oo lagu Qabtay...

Haweeney Qaadan jirtay Lacagta Caruurta iyadoo Dalka ka Maqan oo lagu Qabtay Waxana lagu Amray

0

Hay’adda badbaadada bulshada ee dalka Sweden ayaa dalbatay in haweeney reer Skåne ah ay u soo celiso lacag ka badan 300,000 oo karoonka Iswiidhishka ah, kadib markii ay qaadatay lacagta carruurta iyo waalidka, inkastoo ay ku noolayd dalka dibaddiisa, sida uu qoray Ystads Allehanda.

Haweeneyda ayaa awooday in ay hesho masruufka ilmaha , lacagta uurka iyo lacagta waalidka oo aanay xaq u lahayn ka dib markii ay u guurtay dibadda.

Haweeneyda ayaa sheegtay inay qorsheyneysay inay u guurto degmo kale, sidaasi darteedna aysan wiilkeeda ka diiwaan gelin xanaanada.

Waxay sidoo kale sheegtay in lagu qasbay inay ku dhasho dibadda sababtoo ah xannibaadaha Corona.

Ka dib markii Sanduuqa Ceymiska Bulshada ay u kuur gashay ayaa waxaa la ogaaday in haweeneydaasi aysan gabi ahaanba ku nooleyn dalka Sweden mudadii ay qaadaneysay lacagta ceyrta oo ku beegneyd bishii February 2020, waxaana hadda ay ku qasban tahay in ay bixiso dhammaan kaalmooyinka ay heshay oo dhan. ilaa 300,000 krone.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here