Home Wararka Caalamka Gudiga Midowga Yurub oo doonaya in la tirtiro Sharciga Dublin

Gudiga Midowga Yurub oo doonaya in la tirtiro Sharciga Dublin

0

Komishanka yurub ayaa raba inay tirtiraan xeerka Dublin isla markaana abuuraan nidaam magangalyo cadaalad ah oo masuuliyada daryeelida magangalyo doonka noqota mid is le’eg.

Waxaa sidaasi warbaahinta u sheegtay Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, iyada oo khudbadeedii maanta ka jeedisay baarlamaanka Midowga Yurub ee ku saabsan xaaladda Midowga.

– Komishanka yurub waxay rabaan inay abuuraan nidaam magan galyo oo dheeli tiran, halkaasoo dalal badan oo xubinta ka ah ay mas’uuliyada ka saaraan magangalyo doonka si siman.

Khudbada baarlamaanka Yurub ee Brussels, von der Leyen waxay sheegtay inay doonayaan inay abuuraan siyaasad magangalyo oo bina aadamnimo ah – badbaadinta nolosha Dadka ku soo safraya Mediterranean.

– Tani waa fursad isbeddel. Waxaan leenahay aragti, waxaan leenahay qorshe waxaana leenahay ayay tiri von der Leyen.

Hadii Midowga Yurub uu joojiyo  Sharciga Dublin waxay dad badan fursad u helayaan inay iska dhibaan wadanka ay markaasi ku socdaan lakin maanta waxaa qasab ah in ay magangalyo waydiisato wadanka Faraha kaa qaada marka ugu horeysa.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here