Home Wararka Sweden Go’anka Dowlada Sweden ku fureyso Iskuulada Sare oo Macalimiinta ka Caroodeen

Go’anka Dowlada Sweden ku fureyso Iskuulada Sare oo Macalimiinta ka Caroodeen

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Ururada macalimiinta ayaa dhaleeceeyay go’aanka dowlada sweden ee ku aadan joojinta waxbarashada masaafada ee dugsiyada sare, iyadoo la tixgelinayo in tani ay ku wareejineyso masuuliyada maamulayaasha iskuulada.

Johanna Åstrand oo ka tirsan Ururka Qaranka ee Macalimiinta ayaa sheegtay in lagala xisaabtamayo arintan agaasimayaasha marka la gaaro 1da Abriil.

Madaxweynaha xiriirka Åsa Fahlén ayaa sheegay in go’aanka “uu ku soo rogayo shuruudo aad u weyn maamulayaasha iskuulada kuwaasoo u baahan inay sameeyaan qiimeyn qatar ah oo ku saabsan infekshinka iyo xaalada macalimiinta la xanuunsanaya cudurada daba dheeraada, tusaale ahaan.” Sida uu soo xigtay TT.

Waxayna Åsa Fahlén muujisay sida ay u aaminsan tahay in iskuulada sare aysan si buuxda u furi doonin kadib markii wasiirka waxbarashada Anna Eckström ay saaka ku dhawaaqday go’aanka lagu joojinayo waxbarashada masaafada laga bilaabo 1-da Abriil “Wali waxaan wajaheynaa masiibo, fogaanta waa in la sii wado,” Fallen ayaa intaas ku daray.

Si kastaba ha noqotee, Fallen waxay soo dhoweeysay go’aanka ah in iskuulada lala jaanqaado kala duwanaanta faafitaanka infekshinka u dhexeeya gobollada, iyo in mudnaanta la siiyo ardayda 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here