Home Wararka Caalamka Giriigga oo ku eedeeyey Turkiga in Somalida u fududeeyo tahriibka ay ku...

Giriigga oo ku eedeeyey Turkiga in Somalida u fududeeyo tahriibka ay ku galaan dalkeeda

0
Photo/greekcitytimes

Dowladda Giriigga ayaa shalay ku eedeysay Turkiga inuu dhiirrigelinayo tahriibka Soomaalida iyada oo loo marayo dalab dal-ku-gal ah, ka dibna u oggolaatay muhaajiriinta inay ku sii socdaan Giriiga.

Athens waxay muddo dheer ku eedeyneysay Ankara inay dhiirogalineyso tahriibka si ay cadaadis ugu saarto Midowga Yurub.

Turkiga ayaa ka hor yimid in dhaqaalaha Midowga Yurub uu siinayo taasi oo aan ku filneyn si ay ugu suurta gasho in ay qaabisho ilaa afar milyan oo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood doonaya in ay u safraan Yurub.

Bilihii Febraayo iyo Maarso, waxaa jiray dagaallo maalmo socday oo u dhexeeya muhaajiriinta iyo booliska xudduudda Giriigga iyo Turkiga kadib markii ay kordheen kacdoonka ay dowladda Giriiggu sheegtay inay soo abaabushay Turkiga.

“waxaan fahamsanahay in mas’uuliyiinta Turkiga, wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradaha kale, ay kor u qaadayaan socdaalka Turkiga ee Somalida,” ayuu wasiirka socdaalka Notis Mitarachi ku sheegay shir jaraa’id.

Isaga oo tixraacaya markhaatiyaal la sheegay in laga helay muhaajiriinta Soomaalida ah, Mitarachi wuxuu sheegay in codsadayaasha ay “u fududeeyeen” xafiiska xiriirinta Turkiga ee Muqdisho inay helaan fiisooyin ku saleysan shahaadooyin iyo dukumiintiyo ay bixiyeen hay’ado uu Turkigu maal-galiyo Soomaaliya.

Kuwaas waxaa ka mid ah isbitaal iyo jaamacad ku taal Muqdisho, ayuu yiri wasiirku.

“Waan fahamsanahay in dad gaaraya 300 oo qof ay sidan oo kale ugu duuleen Turkiga,” ayuu yiri Mitarachi.

Dadkan ayaa si sharci ah ku yimid dalka Turkiga, ujeedkooduna waa tahriibinta sharci darrada ah ee Yurub. Markay Soomaalidu gaaraan Istanbul, waxaa lagu wareejiyaa baabuur, meelo gaar ah oo magaalada ka mid ah oo ay ku sugan yihiin illaa loo qaadayo dhinaca galbeedka ee Turkiga.

“Waa iska cadahay in dadkani aysan qatar ku aheyn Turkiga sidaas darteedna ay tahay in halkaas magangalyo laga siiyo, hadii ay haboon tahay. Waa wax laga walwalo in Turkigu u muuqdo inuu fududeynayo imaatinka muhaajiriintan asagoo raalli ka ah bixinta fiisooyinka safarka, ”ayuu raaciyay Mitarachi.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaalida magangalyo doonka ah sidoo kale la sheegay in ay isticmaaleen “tikidhada la kabo iyo fiisooyinka ay bixiyaan NGO-yada.”

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ankara oo ku aadan eedeymaha loo soo jeediyay.

Somaliska Athens

Xigasho/greekcitytimes

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here