Home Wararka Maanta Germalka Qaxooti Loo diiday Sharciga oo Qoorta ka Gooyay Nin Germalka u...

Germalka Qaxooti Loo diiday Sharciga oo Qoorta ka Gooyay Nin Germalka u dhashay oo Shaqo siiyay.

1

Dalka Germalka Dhacdo xanuun leh ayaa ka dhacday kadib markii wiil 20 sano jir ah oo kasoo jeeda dalka Afganistan uu qoorta ka jaray nin waayeel ah oo u dhashay Dalka Germalka.

Ninka Waayeelka oo 85 sano jir ah ayaa shaqo siiyay wiilkaasi oo Qaxooti ahaan ku gaaray Dalka Germalka lakin helay diidmo sharciga loogu diiday.

20 sano jirka ayaana soo qaatay minti ama toorey isagoo cunaha kaga dhuftay ninka waxana uu ka dhigay sida qof jiifo oo kale marka uu dilay kadib isagoo goobta kala baxay gaari uu lahaa ninka.

dhibanaha la dilay ayaa lagu magacaabaa Dietrich P waxana uu ku noolaa magaalada Mecklenburg-Vorpommern halkaasi oo dhibaatada loogu geestay.

Ninka dilka loo geestay gabar uu dhalay isla markana ka shaqeesa xaruunta Qaxootiga ee magaalada ayaa goobta qaxootiga kula kulantay 20 sano jirkaasi Qaxootiga ah taasi oo keentay in ay shaqaaleysiiso.

Sida uu booliska ku warameyo waxaa gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglaha oo goobta kaga baxsaday gaari uu lahaa ninka weerarka loo geestay.

Xigasho RT

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here