Home Wararka Caalamka Germalka oo Tarxiilay Qofkii Labaad oo Suuriyaan Ah

Germalka oo Tarxiilay Qofkii Labaad oo Suuriyaan Ah

0
PD*28490059

Maamulka Jarmalka ayaa dib ugu masaafuriyey dalkooda hooyo dembiile Suuriyaan ah oo labaad, kaas oo horey loo xukumay, kaddib markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad bishii Diseembar 2024.

Ninkan Suuriyaan ah oo 32 jir ah ayaa marar badan la kulmay sharciga, waxaana sanadkii 2020 lagu helay dambiyo la xiriira mukhaadaraad iyo weerar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jarmalka ee dpa.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa Arbacadii (Janaayo 7) u xaqiijiyey masaafurinta wargeyska Jarmalka ee Bild. Afhayeenku wuxuu sheegay in ninka lagu masaafuriyey “duulimaad jadwalaysan”, isla markaana uu horey dhowr jeer loogu xukumay dambiyo rabshado iyo daroogo la xiriira.

Sida ay dpa sheegtay, ninka ayaa xukunkiisa ku qaadanayey xabsiga Burg ee gobolka Saxony-Anhalt ee bariga Jarmalka, waxaana si toos ah xabsiga looga qaaday loona geeyey garoonka diyaaradaha. Diyaaradda ayaa duushay Talaadadii (Janaayo 6), sida ay dpa warisay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here