Home Wararka Caalamka Germalka oo soo rogay Xayiraado Cusub oo Dhanka Shacabka ah

Germalka oo soo rogay Xayiraado Cusub oo Dhanka Shacabka ah

0
Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub maadaama infekshannada maalinlaha ah ay dhaafeen 5,000 – tii ugu badneyd tan iyo bishii Abriil. Xeerarka ku saabsan xirashada marada wejiga iyo inta qof ee kulmi kara ayaa la adkeeyay.

 

Jarmalka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay xayiraado cusub oo adag oo ku saabsan nolosha dadweynaha maadaama ay galayaan marxalad adag isla markana bilaabayaan dadaalada ay kula dagaallamayaan kororka cudurada ku dhaca coronavirus.

Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ku heshiiyeen “xaddidaadyo badan” oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya muwaadiniinta iyadoo la tixgelinayo tirada sii kordheysa ee kiisaska COVID-19.

Tallaabooyinkan oo ay ka mid yihiin xaddidaadda tirada dadka ku shiraya meelaha gaarka loo leeyahay iyo bandow lagu soo rogay baararka iyo maqaayadaha ku yaal meelaha loo arko inay qatar ka jirto, ayaa la isku afgartay ka dib kulan qaatay sideed saacadood oo u dhexeeyay ra’iisal wasaaraha Jarmalka Angela Merkel iyo 16-ka gobol ee dalka.

“Waxaan ku qanacsanahay in waxa aan hadda sameyno ay go’aan ka gaari doonaan sida aan uga soo baxno cudurkan faafa,” ayay tiri Merkel.

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo tirada kiisaska maalinlaha ee coronavirus-ka ee dalka ay gareen 5,000 Arbacadii.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here