Home Wararka Caalamka Gemalka oo Tahriibyaal ka helay Gaari Xamuul ah Dhabarkiisa Danbe

Gemalka oo Tahriibyaal ka helay Gaari Xamuul ah Dhabarkiisa Danbe

0

Todobo muhaajiriin ah ayaa laga helay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah magaalada Bremen Arbacadii. Muhaajiriinta ayaa dhamaantood da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 25 sano jir, darawalka gaariga xamuulka ah ayaa booliska u sheegay in uusan waxba ka ogeyn halka ay marayeen.

Booliska Federaalka ee Bremen ayaa sheegay in habeenimadii Arbacada ay gudaha gaadhi ka dhex heleen todobo dhalinyaro ah oo tahriibayaal ah.

Lix tahriibayaal ah ayaa ka soo jeeda Afgaanistaan ​​iyo mid Pakistani ah, waxaana dhamaantood ay da’doodu u dhaxaysay 15 ilaa 25 jir, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray booliska Khamiistii (20 Janaayo).

Booliska ayaa sheegay in darawalka gaariga uu u xaqiijiyay in uusan waxba ka ogeyn dadka la socday. Waxa uu booliiska u sheegay in uu gaadhiga ka soo qaaday caasimadda Bulgaariya ee Sofia Sabtidii 15-kii January, uuna u kaxeeyay magaalada Bremen ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka.

Markii uu doonayay in uu ku wareejiyo dukumentiga shixnadaha ee dekedda Bremen, ayaa la sheegay in uu maqlay dhawaqa dhabarka dambe ee baabuurka oo uu ka codsaday mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska in uu u waco booliiska. 

Dhalinyaradii waxaa baaray dhakhtar. Waxaa la ogaaday in ay la ildaran yihiin daal laakiin ma lahayn arrimo caafimaad oo halis ah, wakaaladda wararka ee Jarmalka ee dpa ayaa werisay. Muhaajiriinta ayaa dabadeed loo gudbiyay xarun lagu qaabilo oo ku taal Bremen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here