Home Wararka Caalamka Gaari Taxi oo aan laheyn Darawal oo Shaqo bilaabay markii ugu horeesay

Gaari Taxi oo aan laheyn Darawal oo Shaqo bilaabay markii ugu horeesay

0

Waa isbedel xagga la macaamilka baabuurta iswada, ayuu yidhi Baidu, oo ah shirkaddii ugu horreysay ee loo oggolaaday in ay ku shaqeyso “taksiyada robot-ka” iyada oo aan lahayn darawal bani’aadam ah gudaha Shiinaha. Shirkaddu waxa ay ka wada xaajoonaysaa in ay balaadhiso isticmaalka baabuurkeeda oo ay ku darayso magaalooyinka waaweyn sida Beijing iyo Shanghai.

Baidu ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Shiinaha si buuxda ugu shaqeysa tagaasida aan darawalnimada lahayn ee waddooyinka dadweynaha.

Shatiyada “tagaasida robotka” ayaa isla markiiba ka hirgala magaalooyinka Shiinaha ee Chongqing iyo Wuhan, sida laga soo xigtay shirkadda teknolojiyadda Shiinaha ee Baidu, oo la tartameysa shirkadda Mareykanka ee Google. Shirkadda weyn ee Shiinaha ayaa intaa ku dartay in baabuurta “robot taxi” ay hadda ku shaqeyn karaan halkaas darawal la’aan. Baidu wuxuu sharraxay in tani ay tahay isbeddelka wax ka qabashada baabuurta iswada.

Hawlgalka taxi-ga robot-ku wuxuu marka hore ku kooban yahay waqtiyo gaar ah oo maalinta ah. Baidu wuxuu bilaabay inuu ku shaqeeyo shan baabuur mid kasta oo ka mid ah labada magaalo wuxuuna durba ka gorgortamayaa inuu ballaariyo dalabka magaalooyinka ay ku nool yihiin malaayiin qof sida Beijing iyo Shanghai.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here