Home Wararka Finland Finland oo Xayiraada Safarada Dibada ka qaaday Dalalkan soo Socda

Finland oo Xayiraada Safarada Dibada ka qaaday Dalalkan soo Socda

0

Dowladda Finland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan muddo laga sugayay oo quseeya qaadista xayiraadda saaran safarka dibadda.

Go’aanka maanta ka soo baxay Dowladda Finland oo dhaqangelaya 13.7.2020 ayaa gebi ahaanba lagu qaaday xayiraadihi saarnaa dadka soo gelaya Finland ee ka imaanaya dalalka soo socda:

Holland, Biljamka, Talyaaniga, Awsteriya, Giriigga, Malta, Jarmalka, Islofeeniya, Islofaakiya, Hangari, Iswiisarlaandi iyo Liechtenstein.

Xaaladda Koronaha ee dalalkan xayiraadda socdaalka laga qaaday ayaa la sheegay in ay tahay mid wanaagsan.

Shardiga xayiraadda lagu qaadayay ayaa ahaa in kiiska Koronaha ee dalka xayiraadda laga qaadayo uu noqdaa mid u dhigma, in boqolkii kun ee qofoodba laga helay fayruska labadii todobaad ee la soo dhaafay tiro kayar sideed qofood.

Dalalka kale ee aan ku jirin bah-wadaagta Midowga Yurub iyo Dan-wadaagta Soonaha Schengen ee iyagana xayiraadda safarka laga qaadayo laga billaabo 13.7.2020 ayaa kala ah:

Aljeeriya, Australia, Georgia, Japan, New Zealand, Ruwanda, Kuuriyada Koonfureed, Thailand, Tunisyia, Urugwaay iyo Shiinaha.

Dalka Iswiidhan ayaa waxaa weli saaran xayiraaddi dhinaca safarka, maadaama xaaladdiisa Koronuhu ay weli tahay mid daran marka la barbardhigo dalalka xadka la wadaaga sida Finland.

Somaliska Helsinki

Xigasho/Soumensomalimedia

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here