Home News in English Finland oo soo bandhigtay Waqtiga ay go’an ka gaareyso ku biirista NATO

Finland oo soo bandhigtay Waqtiga ay go’an ka gaareyso ku biirista NATO

0

Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in dalkeedu uu go’aan ka gaari doono xubinnimada NATO gu’ga, ka dib markii dowladda iyo baarlamaanka ay si taxadar leh u qiimeeyeen faa’iidooyinka iyo khasaarooyinka ka mid noqoshada isbaheysiga.

“Ku biirista iyo ku biiris la’aanta waa laba doorasho oo cawaaqib leh,” Marin ayaa ku dartay hadalkeeda.

Waxaan u baahanahay inaan qiimeyno saameynta mustaqbalka dhow iyo tan fog. Waa inaan maskaxda ku haynaa yoolkeenna, kaasoo ah inaan xaqiijinno ammaanka Finland iyo Finnishka xaalad kasta.

Hawlgalka milatari ee Ruushku ka bilaabay Ukraine ayaa keenay isbeddel taariikhi ah oo ku yimid mawqifkii Finland ee ku biirida NATO, kaas oo bilaabay in arrintan laga hadlo toddobaadyo ka hor.

Finland waxay ahayd dhexdhexaad intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, iyada oo ku beddelanaysa dammaanad ka timid Moscow in ciidamada Soofiyeedka aysan soo weerari doonin dhulkeeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here